Posts

Showing posts from September, 2024

SALAADA SUBAX

Image
 WAKHTIGA UU SOO GALO SUBAX 1:- Subaxa waxa uu soo galaa waaga Runta ah markuu uu bilowdu, waaga runta ah iftiinkiisa waxa lagu yaqaan inuu fido, ilaa laga gaadhayo inta ay qorraxdu soo baxayso, haday so baxdo qoraxdu wakhtigi subaxa wuu baxay. 2:- Wakhtiga ugu fadliga badan waa markuu soo baxo waga iftiinkiisu ku faafo dacalka qorax soo baxa. 3:- Rakcadaha subaxu waa 2 Rakco 

SALAADA CISHE

Image
 WAKHTIGA UU SO GALO S.CISHE 1:- Cishe waxa uu soo galaa marka uu casaanka qorraxda ka danbeeya uu dhaco, ilaa habeenka kala badhkiisa 11:00 12:00 habeenimo ayaa ah wakhtiga ugu danbeeya cishe. 2:- Wakhtiga u fadli badan waa wakhtiga u horeeya oo ah marka casaanka qorxada ka danbeeya uu dhaco. 3:- Rakcadihiisu waa 4 Rakco

SALAADA MAQRIB

Image
  WAKHTIGA SALAADA MAQRIB AY SO GASHO 1:- Salaada maqrib waxa ay soo gashaa marka ay qorraxdu dhacdo, wuxuu wakhtigeedu socdaa ilaa inta uu dhamaanayo casuusiga ka danbeeya marka ay qorraxdu dhacdo  2:- wakhtiga u fadli badan in latukado waa wakhtigeeda u horeeya oo ah qorraxdu markay dhacdo  3:- Rakcadaha la tukadona waa 3 Rakco 

SALAADA CASAR

Image
 WAKHTIGA LA TUKADO CASAR 1:- Casar wakhtigiisu waxa uu soo galaa marka uu noqdo hadhka qofku oo uu le,ekaado isagoo kalle, waxana wakhtigeedu uu dhamaadaa marka ay qorraxdu dhacdo. 2:- wakhtiga ugu fadliga badani waa wakhtigeeda u horeeya oo ah marka qofka hadhkiisu isagoo kalle le,kaado  3:- Rakcadaha la tukadona waa 4 Rakco 

SALAADA DUHUR

Image
 WAKHTIGA LA TUKADO DUHUR 1:- Salaada duhur wakhtigeeda waxa uu soo gaala marka ay qoraxdu ka suusho ama ka leexato badhtanka samada, wuxuuna socdaa wakhtigeedu ilaa uu hadhka qofku uu noqdo ama le,kaado iskagoo kalle  2:- Wakhtiga ugu fadliga badan ee lagaa rabo inaad tukado waa markay badhtanka saa uga suusho ilaa hal mar maaahane, markaa waxa fadli badan in la dib dhigo tukashadeeda ,waa marka kulka qorraxdu uu aad udaran yahay  3:- Rakcadaha la tukadona waa 4 Rakcadood 

SALAADA

Image
  Salaadaha waajibka ah iyo salaadaha sunnaha ah Salaadu waa tiirka labaad ee islaamka, waa cibaadada kaliya oo Nabiga lagaga soo faral yeelay samada, waa camalka ugu horeeya ee maalinta qiyaame lagaa xisaabin doono, hadii ay wanaagsanaato salaadaadu camalada kaloo dhan waa kuu wanaagsanaanayaan, hadii ay ka xumaato camaladaadii kaloo dhan halis bay ku jiraan. Waa cibaadada uu Nabigu calayhi salaam yidhi:-( qofka salaada ka taga wuu galoobay)<waxa soo wariyay muslim> Waa cibaadada lagu kala saaro gaalka iyo muslimka siduu Nabigu calayhi salaam uu sheegay uuna yidhi:-( gaalnimada qofka iyo shirki inuu ku dhaco waxa uu dhaxaysa salaada) <Muslim> Waa 5 salaadood oo waajib ah kuwaasoo kala ah 1:- Duhur 2:- casar 3:- maqrib 4:- cishe 5:- Subah Waxaa sidoo kalle jira salaado sunne ah oo ay kamid yihiin  1:- salatu duxaa / barqadaa latukadaa  2:- salatu layl / habeenki saqda dhexe latukada  3:- salatu cidayn / labada ciid la tukada adxa iyo fidri  4:- salat...