SALAADA

 

Salaadaha waajibka ah iyo salaadaha sunnaha ah



Salaadu waa tiirka labaad ee islaamka, waa cibaadada kaliya oo Nabiga lagaga soo faral yeelay samada, waa camalka ugu horeeya ee maalinta qiyaame lagaa xisaabin doono, hadii ay wanaagsanaato salaadaadu camalada kaloo dhan waa kuu wanaagsanaanayaan, hadii ay ka xumaato camaladaadii kaloo dhan halis bay ku jiraan.

Waa cibaadada uu Nabigu calayhi salaam yidhi:-( qofka salaada ka taga wuu galoobay)<waxa soo wariyay muslim>

Waa cibaadada lagu kala saaro gaalka iyo muslimka siduu Nabigu calayhi salaam uu sheegay uuna yidhi:-( gaalnimada qofka iyo shirki inuu ku dhaco waxa uu dhaxaysa salaada) <Muslim>

Waa 5 salaadood oo waajib ah kuwaasoo kala ah

1:- Duhur

2:- casar

3:- maqrib

4:- cishe

5:- Subah

Waxaa sidoo kalle jira salaado sunne ah oo ay kamid yihiin 

1:- salatu duxaa / barqadaa latukadaa 

2:- salatu layl / habeenki saqda dhexe latukada 

3:- salatu cidayn / labada ciid la tukada adxa iyo fidri 

4:- salatu kusuuf / dayax madoobaad 

5: salaatu khusuuf / qorax madoobaad 

6:- salaatu janaasa / maydka lagu tukadaa 

7:- salaatu istikhaara/ markaad arin waydiisanayso alle 

8:- salada lagu salaamo masajidka/ taxiyatul masjid 

9:- sunayaal raatibo ah oo salaada ka danbeeya ama ka horeeya 

10:- sunayaal furan oo xili kasta latukado 

Comments

Popular posts from this blog

SALAADA MAQRIB

SALAADA SUBAX